|
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyed ee shataranjiga Dr. Axmed Cabdi xasan oo si weyn loogu yaqaano Wataac ayaa maamulayaasha 50 iskuul oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho la gaaray heshiis ku aadan in sanad dugsiyeedka wax barasho ee 2008-2009 lagu soo daro casharro shataranjiga ah.
“Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay waxaan kulamo la yeelaneynay maamulayaasha iskuulada,waxaana si wada jir ah isugu raacnay in casharo shataranjiga ah lagu soo daro manhajka iskuulada”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga Dr Axmed Cabdi Xasan intii uu socday wareysi gaar ah oo uu siiyay shabakada wararka xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga ee www.somchess.com.
Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in tani ay tahay talaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka horumarinta cayaarta Shataranjiga ee dalka Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu galad heynaa maamulayaasha iskuulada Muqdisho oo ogolaaday in casharo cayaarta shataranjiga ah ay ku soo daraan manhajka wax barasho ee iskuulada”ayuu guddoomiyuhu intaa ku daray.
“Waxaan iskuulada siinay macalimiin iyo qalab ku filan,waxaana aad ugu rajo weynahay in horumar faa'iido badan leh la gaari doono sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga Dr. Axmed Cabdi Xasan intii uu socday wareysiga uu siiyay somchess.com.
Waa markii ugu horeysay ee taariikhda inta la og yahay caruurta Soomaaliyeed ee iskuulada la baro casharo shataranjiga ku saabsan.
Dhinaca kale, iskuulada Soomaaliya ayaa diyaar garow xoogan ugu jira tartanka soo socda ee shataranjiga iskuulada oo bilaaban doona horaanta bisha June ee sanadkan.
Somali Chess Federation, Somalia Feedback:- info@somchess.com
|