|
Xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga ayaa hawada geliyay website casri ah oo laba luqadlena ah Somali-English www.somchess.com, waxaana talaabadani ay xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga ku hogaamisay in uu noqdo xiriirkii qaran ee ugu horeeyay oo horu markan oo kale ku talaabsada.
Website-kan waxaa markii hore la dhisay sanadkii 2005-tii,waxaana uu xiliga ku daabacnaa oo keliya luqada Soomaaliga,laakin hada ayaa laga dhigay mid caalami ah oo aadna casri u ah.
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga Dr. Ahmed Abdi Hassan "Wataac" ayaa sheegay in website-kani uu baahin doono wararka guuaha iyo kuwa caalamiga ah,Aaraa,faalooyin iyo wareysiyo lagasoo ururiyay caalamka daafihiisa oo dhan.
"Maadaama aanan ka bixi karin in aanu warye yaal noo gaar ah ku yeelano meelo dibada ka ah Soomaaliya,websitekeenu waxaa uu soo xigan doonaa wakaaladaha wararka caalamka,website-yada xiriirada qaran ee xubnaha ka ah FIDE iyo ilo wareedyo kale oo caalami ah"ayuu ku jawaabay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Dr. Ahmed Abdi Hassan,mar la weydiiyay halka ay ka helayaan wararka iyo faalooyinka caalamiga ah.
"Aad ayaanu isugula weynahay shaqada aan qabanayno,sababtoo ah waxaanu gaarnay horumar la taaban karo xiriirkeenuna waxaa uu noqday kii ugu horeeyay ee dalka sharci la'aantu la dagtay ee Soomaaliya ka howlgala oo yeesha Website ceynkan oo kale ah "ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga Dr.Wataac.
|
| Muuqaalka Webka uu dhaqan geliyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga. |
Hawa gelinta website-kani waxaa ay kuso beegantay maalmo kadib markii guddoomiyaha xiriirka Shataranjigu uu ku guuleystay in uu maamulayaasha iskuulada ka dhaadhiciyo casharro barashada shataranjiga ah in ay kusoo daraan manaahijta wax barasho ee iskuulada laga bilaabo sanad dugsiyeedka soo socda. "Sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay waxaan kulamo layeelaneynay maamulayaasha 50 iskuul ooah hoose,dhexe iyo sare waxaana ugu dambeyntii isla gaarnay faham guud oo arrintan ku aadan"ayuu gudodomiyuhu hadalkiisa sii daba dhigay.
Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyay ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed kaalinta uu ka qaatay horumarinta webkan iyo sii wadida shaqadiisaba.
Xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga oo la as aasay daba yaaqadii sanadkii 2001-dii helayna aqoonsi caalami ah bishii Febraayo sanadkii 2003-dii,kana mida xiriirada hoos yimaada dalada gudiga Olombikada Soomaaliyeed,waxaa uu hada ka mid yahay xiriirada hogaanka u ah isboortiga qaranka,waxaana uu goor horaba ku guuleystay in uu cayaarta Shataranjiga ku baahiyo goballada iyo degmooyinka dalka oo dhan.
By shafici Mohyaddin Abokar
First vice President and head of international relations of Somali sports press association.
Somali Chess Federation, Somalia
Feedback:- info@somchess.com
|