Somali Chess News: Last Updated: SUN, 27, April. 2008
Guddoomiyaha Komishinka shataranjiga iskuulada aduunka oo dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga.
 


 

 

Gudoomiyaha komishinka shataranjiga iskuulada aduunka Prof. Uvencio Blanco,ayaa ugu hambalyeeyay xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga shaqada wanaagsan ee uu ka qabanayo dalka Soomaaliya ee sharci la'aanta ehelka u noqday.

PROF.UVENCIO BLANCO

“Aniga oo ah guddoomiyaha komishinka shataranjiga iskuulada aduunka ee hoos yimaada FIDE,waxaan ku faraxsanahay in aan idin kugu hambalyeeyo kusoo daritaanka shataranjiga lagu soo daray manhajkla wax barasho ee iskuulada Soomaaliya”ayuu Prof. Uvencio Blancoin,ku yiri dhambaalka e-mailka ah ee uu soo gaarsiiyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga.

”Tani waa talaabada FIDE ay soo dhaweyneyso dhiirina gelineyso”ayuu mar kale yiri guddoomiyaha komishinka shataranjiga iskuulada aduunka Prof. Uvencio Blanco.

Guddoomiyuhu waxaa uu wanaag u rajeeyay dhamaanba Soomaalida gaar ahaana kuwa ku howlan horumarinta dhaq dhaqaaqyada shataranjiga iskuulada Soomaaliya oo dhan.

Dhambaalka hambalyada ah ee ka yimid Prof. Uvencio Blanco,ayaa ku soo beegmay,iyadoo guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee shataranjiga Dr. Ahmed Abdi Hassan “Wataac” iyo maamula yaasha 50 iskuul oo hoose ,dhexe iyo sareba ah ay faham guud iskala qaateen arrinta ku aadan in barashada shataranjiga lagu soo daro manhajka wax barasho ee iskuulada laga bilaabo bartamaha sanadkan.

By shafici Mohyaddin Abokar
First vice President and head of international relations of Somali sports press association.



Somali Chess Federation, Somalia
Feedback:- info@somchess.com




 

 

 
 
© 2005 Somalichess.com , Designed by Baabul-Softwares